W. Q.
Maxamed Xaaji
Ingiriis
ingiriis@yahoo.com
|
|
|
|
|
|
|
|
|
ILAAHEY marka uu
qowm halligayo wuxuu ku sallidaa qabqable dagaal
oo jaahil ah, naxariis daran, badow ah oo aan
haba yaraatee wax xikmad ah lagu arag
xarakaadkiisa. Musiibada lagu salliday
Soomaaliya waxaa si sahlan looga dheehan karaa
sheegashada madaxtinimo ee Col Cabdullaahi
Yuusuf oo ah nin mar kasta si bareer ah ugu
dooda inuu yahay kii billaabay basanbaaska,
burburka iyo baa ba’a ku dhacay Soomaaliya.
Haddaba intaanan guda-gelin falalka iyo
ficillada dagaal-ooge Col Cabdullaahi Yuusuf,
waxaan marka hore qooraansaneynaa taariikhdiisa
oo kooban: Subax aroor ah sannadkii 1950-kii
ayaa Cabdullaahi Yuusuf oo Geel ka waraabinaya
tuulo waqooyi kaga beeggan Gaalkacyo oo ay
degaan jufadiisu waxaa loo soo qoray Ciidanka
Soomaaliya.
Wuxuu markaa ahaa nin dhallinyaro ah oo Geeljire
ah, waxaana saddex bilood ciidammada kaga
horreeyey Gen Maxamed Faarax Caydiid. Caadada
ciidammada waxaa ka mid ah in askariga cusub ee
la soo qoro madaxa laga xiiro. Sidaa awgeed,
dadka la socda taariikhda ciidanka waxay
sheegaan in Caydiid uu ahaa ninkii u madax
xiiray Cabdullaahi Yuusuf.
Billowgii sannadihii kontameeyadii wuxuu
Cabdullaahi Yuusuf nasiib u yeeshay inuu ka mid
noqdo raacii labaad rag loogu qaadayey leyli
sarkaalnimo waddanka Talyaaniga. Raggii
maalintaas lala qaaday waxaa ka mid ahaa Gen
Caydiid, Gen Salaad Gabeyre, Col Ibraahin Rooble
Warfaa (Doonyaale), Col Maxamed Nuur (Baarqab),
Col Cilmi Nuur Tarabi, Gen Nuur Caddow, Gen
Abuukar Suulaleey, Col Abuukar Gacal, Gen
Cabdalla Maxamed Faadil, Gen Maxamed Cali
Sharmaan iyo Col Cabdiqaadir Dheel. Waxaa raggii
maalintaas baxay maanta ka nool Gen Maxamed Cali
Samatar iyo Col Xasan Gaamuri oo haatan deggan
gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.
Xarumihii uu ka soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa
Baydhabo iyo Bakool. Dagaalkii dhex maray
Soomaaliya iyo Ethiopia sannadkii 1964-kii,
Cabdullaahi Yuusuf iyo ciidankii uu watay ma
aysan gelin duullaan ee waxay difaac kaga jireen
jiidda Bakool. Markii uu dhashay kacaankii
militariga ayaa isaga iyo Caydiid waxaa loo kala
magacaabay Qunsulka Soomaaliya ee Tanzania iyo
Sudan. Markey diideen ayaa la dhigay xabsiga,
waxaana ay soo liqeen lix sano.
Col Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ku jiray
saraakiishii gashay dagaalkii 1977-kii, hase
ahaatee dagaalka oo aan si dhab ah u soo
afjarmin ayuu u fakaday dhinaca Kenya, markii
dambena Ethiopia, kaddib markii isaga iyo
saraakiil kale oo ay isku reer ahaayeen ay isku
dayeen inay xukunka qaab qabiil kula wareegaan.
Isaga iyo rag kale ayaa dalka Ethiopia ka
aasaasay jabhad qoys oo markii hore la oran
jiray SODAF, markii dambena loo bixiyey SSDF.
Jabhaddan ayaa iskeed isaga burburtay markii
Cabdullaahi Yuusuf uu jufadii uu ka dhashay u
kala qaybiyey laba jilib oo uu hubka isugu
dhiibay (Reer Khalaf vs Reer Mahad). Muddadii ay
jirtay SSDF uma suuragelin inay hal taako oo
ciidda Soomaaliya ah ay soo galaan.
Iyadoo uu jiro tuhun ku saabsan inuu ka
dambeeyey dilka rag magac lahaa oo ka mid ahaa
mucaaradkii aaday Ethiopia, sida Iikar Xaaji
Maxamed Xuseen, Cabdiraxmaan Caydiid iyo
Cabdilqaadir Cirrid Yaambo oo seedigii ahaa ayaa
Col Cabdullaahi Yuusuf wuxuu heshiis qarsoodi ah
oo hoose la saxiixday Maxamed Siyaad Barre.
Markii mukhaabaraadka Ethiopia ay jiritaanka
heshiiskaas wargeliyeen keligii-taliyihii
Ethiopia, Mingiste Xayle Mariam oo taageeri
jiray SSDF ayaa jeelka la dhigay Cabdullaahi
Yuusuf iyo rag kale oo raacsanaa.
Markii la xiray ayaa xubnihii jabhadda SSDF oo
ay ka muuqato diif iyo daal waxay isu soo
dhiibeen Maxamed Siyaad Barre, iyagoo ka
qoomameynaya aadistii ay aadeen Ethiopia. Ragga
soo soo gurya-noqday oo ahaa 90% jabhaddii SSDF,
waxaa ku jiray magacyo waaweyn oo sida la sheego
raadiyaha kaga hantaatacay “Aabbe Siyaadow i
cafi anigoo Sheydaan i duufsaday ayaan mucaarad
noqdaye.” Waxaa ragga qaarkiis laga hayaa “U tag
tala-xume, ka tag tala-xume, waa tabtaan ahay.”
Ugu yaraan saddex goor ayaa meel aan joogay
wuxuu Col Cabdullaahi Yuusuf kaga dooday in
sababta loo xiray ay ahayd isagoo ka diiday
Ethiopia in calankeeda la suro Goldogob, hase
yeeshee waxaa caddaan ah inuu Cabdllaahi Yuusuf
aaminsan yahay in Soomaalidu ay isaga ka garasho
hooseeyaan. Cabdullaahi Yuusuf, wuxuu is-diidsiinayaa
in marka ay Ethiopia qabsatay Balanballe iyo
Goldogob ee ay surtay calankeeda ay ahayd 1982,
markii isaga la xirayna ay ahayd 1986. Haddaba,
maxaa iska quseeya labada dhacdo oo ay u
dhexeysay afar sannadood?
Wuxuu Col Yuusuf xabsi ka soo baxay markii la
riday xukuumadihii Maxamed Siyaad iyo Mingiste,
wuxuuna ka qaybgalay shirkii Nabadeynta ee lagu
qabtay Xamar. Muddadii uu noolaa Gen Caydiid
wuxuu ahaa Cabdullaahi Yuusuf, sida qorayaasha
ajnabiguba yiraahdaan, nin aan muuqan
(less-flamboyant). Markii uu Gen Caydiid u
diiday Cabdullaahi Yuusuf inuu ka dhigo Prime
Minister ayuu isaga dhex go’doomay gobollada
Waqooyi Bari, illaa markii dambe ay Ethiopia ku
qancisay inuu sameeyo maamul goboleed uu madax u
yahay.
Dhismihii maamulkaas ayuu ku soo baxay doorasho
ku-shubasho iyo musuq badan uu hareeyey oo
dhacday 1998-kii. Markii uu dhammaaday xilligii
maamulkaas oo ku aaddanayd 2001 ayuu diiday inuu
aqbalo ninkii isaga beddelay oo ahaa Jaamac Cali
Jaamac, waxaana isagoo kaashanaya xoogagga
Ethiopia uu ku qasbay Jaamac inuu isaga cararo
Waqooyi Bari.
Sannadkii 2002 ayaa warbixin ku saabsan
tacaddiyadda Xuquuqda Aadanaha oo ay qortay
Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxaa hoosta
lagaga xarriiqay in ilaalada Col Cabdullaahi
Yuusuf ay mas’uul ka ahaayeen dilkii nin
suldaan ah oo la oran jiray Axmed Maxamed Hurre
oo haystay dhalashada Britain iyo dilal kale oo
ka dambeeyey oo laga geystay Bari iyo Baydhabo.
Col Cabdullaahi Yuusuf ayaa wuxuu yahay nin
dakano badan oo dadku aysan jecleyn. Wuxuu la
mid yahay Dhurwaagii duqoobay ee weydiistay
carruurtiisa inay qaadaan oo ay geeyaan meel
nabadeed oo uu ku alleysto. Markey meel
geeyaanba wuxuu yiraahdaa “halkaan waxaan ku
cunay Lax heblaayo.” Meel kale markey u
raadiyaan wuxuu ku calaacalaa “halkaanna waxaan
habeen ku cunay Rati hebel oo ay habar heblaayo
keligii ka lahayd.” Markii dambe ayay carruurtii
Dhurwaagu yiraahdeen “hadde Aabbe xaggeen ku
dhignaa?” Wuxuu ugu jawaabay “weligiinba kor ii
sida.” Haddaba, Col Cabdullaahi Yuusuf wuxuu
doonayaa inay weligii kor u sidaan Ethiopia ama
ciidan kale oo ajnabi ah.
Taariikhdaas kooban kaddib, waxaan
qooraansaneynaa sida uu dadka wax ugu qaybiyo
ninkan. Dhab ahaantii, ma jiro halbeeg iyo
miisaan lagu cabiri karo caddaaladda Cabdullaahi
Yuusuf, waana wax ka hor imaanaya caqli kasta oo
fayow oo saliim ah, waxayse ka dhigan tahay
tiisu maahmaahdii ahayd “Bahal Ceyriin ma daayo,
Ninna caadadii ma daayo.”
Dhanka Ciidammada
1. Wasiirka Gaashaandhigga Barre Aadan Shire (Hiiraale)
- Mareexaan
2. Abaanduulaha ciidammada Axmed Mahdi
Cabdisalaan – Ogaadeen
3. Taliyaha ciidanka Booliska Cali Madoobe -
Mareexaan
4. Taliyaha Ciidammada Cabdullaahi Cali
Cumar (Ina libaaxsankataabte) –
Majeerteen/Carab Saalax
5. Taliyaha ciidanka Sirdoonka Col Maxamed
Darwiish – Majeerteen
6. Taliyaha guutada 1-aad Cabdirisaaq
Afguduud – Majeerteen
7. Taliyaha guutada 2-aad Cabdullaahi Fartaag –
Mareexaan
8. Taliyaha guutada 3-aad Xiif Cali Taar –
Majeerteen
9. Taliyaha guutada 4-aad Col Cabdullaahi Carays
– Majeerteen
10. Taliyaha dekedda iyo airport-ka Xamar
Laba Xiddigle Joocaar - Majeerteen
Dhanka Madaxtooyada
1. Yuusuf Cumar Al-Azhari, La Taliyaha
Madaxweynaha dhinaca siyaasada -
Majeerteen
2. Jamaal Cumar, La Taliyaha Madaxweynaha
dhinaca sharciga - Majeerteen
3. Yuusuf Cusmaan Baribari, Afhayeenka
Madaxweynaha, ahna safiirka Brussels -
Majeerteen
4. Cabdirashiid Seed, Ergayga gaarka ah ee
Madaxweynaha- Majeerteen
5. Daahir Mire Jibriil, Agaasimaha Madaxtooyada
- Majeerteen
6. Cabdirisaaq Axmed Cali, Agaasime ku
xigeenka Madaxtooyada - Majeerteen
7. Axmed Yuusuf, Xoghaynta gaarka ah ee
Madaxweynaha - Majeerteen
8. Cabdullaahi Dheere, Madaxa ilaalada
Madaxweynaha - Majeerteen
9. Cali Jiis, Waardiyaha gaarka ah ee
Madaxweynaha - Majeerteen
10. Axmed Cabdullaahi Yuusuf, wiilka
Madaxweynaha, ahna qasnajiga Madaxtooyada -
Majeerteen
11. Yuusuf Weyrax, La Taliyaha Madaxweynaha
dhinaca Dhaqaalaha - Majeerteen
12. Xasan Cali Yuusuf, Madaxa borotokoolka
Madaxweynaha - Majeerteen
13. Hibo Maxamed Cilmi, La Taliyaha
Madaxweynaha ee dhinaca xiriirka bulshada -
Majeerteen
14. Agaasimaha Madaxtooyada Baydhabo - Xuseen
Cali Seelaan - Majeerteen
15. Xoghaynta Gaarka ee Madaxweynaha - C/risaaq
Durqun - Majeerteen
Haddaba, waxaa muuqata in dowladda Cabdullaahi
Yuusuf aysan xitaa ahayn dowlad qabiil ee ay
tahay dowlad qoys iyo mid jufo. Sidaa awgeed, ma
ahan mid qaadan karta term-ka ‘dowlad’ ee waa
jabhad lagu dhisay qaab xaaraan ah, Soomaaliduna
waxay tiraahdaa “Hal xaaraan ah, Nirig xalaal ah
ma dhasho.’
Tixraac (References)
1. Somalia: From Dawn to Civilization to
Modern Times by Mohamed Farah Aidid and
Dr Satya Pal Ruhela.
2. Somalia: Nation in Search of a State by
David Laitin and Said S. Samatar.
3. Whatever Happened to Somalia by John
Drysdale.
4.
http://en.wikipedia.org/wiki/Abdullahi_Yusuf_Ahmed