waay eyaa alankii General Mahamad Faarah
Aydiid (Abuur-siibow-2aad), lankii ku mid ahaayii inii sababo in 300
qof oo Digil iyo Mirifle maalintii shaleentiyee
ki dhimmito Baydhaba. Huseen oo hoolii aawsheey
dhameystiraaw, waay dileey dad dadkaana eh oo tiro badan oo al
soo kooba korne, bilaayoodii iyo in soo mooro
geliyeen goboldheeda Bay, Gedo iyo Bakool khaas
ahaan. Geedoogii
dadka dulmiga diideen liki lalmiyi willi
astaantiyoo ki yaale, barbaartii galnyooga luku
shaffi bershoo willi nolol baas eh ki nool.
Fa’
ku fa’ Aw-Huseen Aydiid iyo Aawsheey iyo
barbaartii diinta al barne oo gobolooga dhatta
luku sheeni, waay hool galow willishee al hilmaama korne ku
galeenaa gobolodaayno, waay ki keheenaa Dil,
dhiyow, kufsi, aafa. bara-kiyow iyo halaag dadkaayno
Somalida kale iniila wadaagne, illaa geegidaan
hadda la roogo, haddii luku reebo tii Somaliland
iyoo in jeeysideen 1988dii.
Daalim
kastoo jiro, mar yaa Rabbi runta ku sheenee.
Kii dhahi oo kalewa; ‘Rabbigeey ogaayii inoo usi
Hag gudaaw; laakin ma taabiyaayni in usi dubbur dubbur
ki gudaaw’. Shaleey markii dadkaayno leedaayeen,
oo baad iyo biyo liin diido hub ahaan liinki
adeegsidi, barbaartiyoo hool galka ku haayeen
Jubbuda Kore, Jubuda hoos, iyo Banaadir, oo
dadkaayno la gumaadaayii, waay dhaha jireen; ‘
dadkeena maahan kuwaan, waa Eelaay!
Maay ku dhuuri badan Aay owlaadiyee hal hal
baahi inki dhimideen oo walii iyo aama fadeen
Qorri aariddiis luunku usudi, tabarna iniin
haaynii iyi ki duugto dhalliyee oo Isniin,
Talaada iyo Arbaa shal dhimideen. Aawshoona
hortiyoo iyoo aragaayaan shuftidii Galgaduud horay
in ki dilli. Geega farhad maleh
walii Hamar ku dhiyooyo, oo dhibka uni dhon baa
ki jirne, run ahaantii dadkaayno ha'in
badanaadeenaa, oona ay ki sheegaayne
akhbaartiyoo oo qabiilka ku reebtoonyo markii
dantiyoo in haayne. Laakin waay yaab leyaa in Aw-Huseen
Aydiid oo shaleey dhibkaas dadkaayno in jeeysidi,
geega ku dareersidi dowlo beentii usi darajada
kor luku siiyi. Maay? Waay arageey dadsheey oo
Daafooga-Daarood, Hawiye qeybtiis kale iyo Tigree oo si kulun leh inki
gumaadeen Haafidoogii beesooda Haaranta ahaaytii
liki dhisi. Geeri Lan Adi In Gorodaayne yaa
Lan Gaal-jire iyaa
ki santidii-wa.
Waay
soo maga qaadeey in Dimbiyo-Bilaayo (War Crimes)
liki soo eedooyo dhamaan Askar-Daafeedii
Puntland-Majeerteen iyo kuwa Tigreega ee
Itoobiya. Xasuuq, dil-gumaadeed, iyo bara-kiyow
oo toos eh liin jeeysidi dadsheey Habargidirta
eh yaa muuqite in dhiigsheey soo kiyi, oona al filaayno in
usi raali unku nagadaayne in lamada waddan
liiski darro dhaafee, balse raali ku ayo in usi ki
Markaati furo Wideeydheediis dimbiga wadaagaan.
Waay
in agtaa in Hawiyaaga kale oo Daafta-Abgaal iyo
tan
Murasade eh, si toos iyo si dadban-ba iyoo ga’an in
siyooyaan Bilaaya-afuufe-Abdilaahi Yuusuf
oo Daafta-Majeerteen ku soo jeedo. Taasoo wasiiridiis
Bilaaya-afuufeyaalka kale aar-goosigii shaleey
oo Mahaakimta Islaamiga iniinki koobinaayne
arrintiyoo. balse salka ki haayto; (SARIIRTA_MIDOW). Waay warar noo soo deereen dad in
dhow Birimo Ministarka waay sheegeenaa;
in
Aw-Meles Zenawi, Geedi iyo Abdillahi Yusuf
hellis ki ayaan in Goboloda Gal-gaduud, Puntland
iyo Kuwa koonfureed qaarshooba sariir dabii’i eh
ki jirto, oo hellis liili galli shirkido shiine
iyo kuwo reer iri dhiin eh, (China and the West)
in iyoo qodaan oona soo biyaan. Taasna atto tan
shaleediyee suurto geliisi in dadka si turusho
la'aan ki jirto liin gumaado. In dheerto darrajo
al mudunaayne liis lahaaysiyo.
Sariir dab waay, waaynaa ognaa in dabshee
addunyida dhamaantiis in hurooyo geega. Laakin waay
intaas ku hiisa leyaa in Aw-Huseen Aydiid
afsheey Ilaaheey ku sheeni dembiyo-bilaayo yaa
la galli! Runtiis-wa, laakin li’ (6) berri ku hor ma
bilaawine arrinta dimbi-bilaayeedka. Waaynaa ku
war haaynee in ayaamoogaan-ba Adduun wiinaaga la
war haayo in dembiyo-bilaayeed la furo, oo war
haayowga dembi liki soo eedeeyo
bilaayo-wedeyaalkii luku soo bilaawo waqtiga
Siyaad Barre hool ku dhigideen in Digil iyo
Mirifle dalshoo ku fariiriyaan; ki tumushooda
xaquuda Ibn-Aadamka ki kaha jireen illaa iyo
geegidaan liki jiro hadda.
Digil iyo Mirifle ahaan waay nonoo fadeeyee
inii uni dad usku dhigno oo uur lohowsiga usku
dhaafno, oo kuwaayno dimbiiliyaalka eh ee Jaadka
illi aamaayaan dembiiliyaalka kale oo Daafooga-Hawiyo iyo
Daarood ki Markaati furno. Baydhaba shaleediyee
waay bilaayo liki soo qaadeey oo liin
adeegsidaaw Madaafii'i, hoowiye iwm. Oona Daarood
iyo Hawiye luku saaro kaalintiyoo,
Bilaayo-afuufiyaalkeen shaleediyoo yaa waay eh,
laa caddad walaa xisaab. Marna Aaw Haabside iyo
Aaw-Kiish-Bur
fara-maroogsidaayaan, Marna Aaw Shaati gaduud
agoontii Baydhaba
gorrob duubaaw, Marna Aaw Maalin Midoobe iyo
Erdaalii kutaabka genti geddi geddi in
dhowaayaan Habroogii Hartiyaalshoo Hoowiyaalka
liki dhamaayi.