|
|
|
|
AXDIGA KU MEEL GAARKA ISUTAGGA DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND.
|
|
|
|
|
Magaca Ilaahey
oo Awoodiisa ku abuurey Koonka, kuna Manneystey Raxmaddiisa Annagoo ah
Wakiillada Sharciga ah ee Shacbiweynaha Somaaliyed ee ku nool Isutagga Dawlad
Goboleedka Hinterland isuguna yimid Kalfadhigeyna Koowaad , waxaa annagoo
raaceyna Wakaaladdii ay inoo wakiishteen Dhaqanka Hinterland , si buuxda isuku
raacney ku dhawaaqidda Dawlad Goboleedka Hinterland islamarkaasna Ansaxiney
Axdiga Ku Meel Gaarka Federaaliga ah ee Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland.
GOLAHA KU MEEL
GAARKA AH EE DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND
MARKUU ARKEY ISLAMARKAASNA TIXGELIYEY:-
Axdiga Ku Meel Gaarka Federaaliga Somaaliyed, Shuruucda Dalka, Dhaqanka iyo
Caadoyinka Suuban ee Shacbiweynaha Somaaliyed.
MARKUU ARKEY, ISLAMARKAASNA TIXGELIYEY:-
Ballanqaadka Dawladda Dhexe ee Federaaliga Ku Meel Gaarka Somaaliyed kuna
saabsanaa iney dhidibada u aasto dhismaha Dawlad Dhexe oo ku shaqeyso Nidaamka
Federaaliga ah, gacanna ku siiso Gobollada iney soo dhistaan Dawlad Goboleedyo
sida waafaqsan Axdiga Ku Meel Gaarka Federaaliga Somaaliyed, lana sii wado dib u
Heshisiin dhab ah oo dhexmarta Beelaha Somaaliyed.
TIXGELIYEY ISLAMARKAASNA OGGOLAADEY:-
Wakaaladda
ay u soo wakiishteen Dhaqanka Reer Hinterland oo sharci ahaan xaq u leh iney
mathalaan Qarannimada Hinterland , kan Shacbiweynaha iyo Bulshada Rayidkaba iyo
baahida loo qabo in dib loo soo celiyo ku dhaqanka Nidaamka iyo Sharciga inta u
dhexeysa Xuduuda Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland.
MARKUU TIXGELIYEY: -
Baahida deg dega
ah ee ku saabsan abuuridda Xiriir Iskaashi adag oo dhan kasta leh sida mid
dhaqaale, Siyaasad, iyo Nabadgelyo dhexmara Isutagga Dawlad Goboleedka
Hinterland, Dawladda Dhexe ee ku Meel Gaarka Federaaliga Somaaliyed iyo
Bulshoweynta Caalamka.
MARKUU TIXGELIYEY: -
Bur Burke iyo
Xanuunka uu Dagaalka Sokeeye oo Waxshinimada ku dheehneyd uu u geystey
Shacbiweynaha Reer Hinterland oo in muddo ahba ku noolaa daryeel la’aan ee la
xiriirta Xuquuqda Aadanahana oo lagu tuntey.
WUXUU GUDDIGA KU
MEEL GAARKA KU DHAWAAQAYAA ISLAMARKAASNA DHIDIBADA U AASAYAA
Qod. 1aad
(Magaca Dawlad
Goboleedka )
Waxaa si buuxda dhidibada loogu aasey loona
dhisey ISUTAGGA DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND iyadoo la dhowraayo Axdiga Ku Meel
Gaarka Federaaliga Somaaliyed.
Qod 2aad.
(Shacbiga)
Somaalida oo dhan ee wada degta Gobollada ay
ka kooban tahay ISUTAGGA DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND ayaa ah Shacbiweynaha
HINTERLAND.
Qod. 3aad
(GOBOLLADA)
ISUTAGGA DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND wuxuu
ka dhashey israaca Siyaasadeed, dhaqaale, Nabadgelyo iyo Bulsahdeed ee
Gobollada:- Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.
a) Waa u furan tahay Gobollada Somaaliyed oo
dhan oo doonaaya iney ku soo biiraan Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland
iyagoo mas'uuliyintooda ka wakiil ah Shacbigooda u saxiixi doonaa ku soo
biiritaankaas lana saxiixan doono Mas'uuliyinta Hinterland Heshiiska noocaas ah.
Qod. 4aad
(XUDUUDA)
ISUTAGGA DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND waxay
awood sharciyeed ku yeelaneysaa dhamman inta u dhexeyso xuduudda Gobollada ay ka
kooban tahay.
Qod 5aad
(CALANKA)
ISUTAGGA DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND waxay
yeelaneysaa Calan leh qaabka Rektangularka ah oo ka kooban seddax qeybood oo
siman, wuxuuna calankaas leeyahay seddax midab oo kala ah:- Cagaar oo qeybta
hoose ah, Madow oo qeybta dhexe ah iyo Casaan ama Gaduud oo qeybta Sare ah.
Qeybta Sare ee Gaduudka ah waxey geeska Midig
ay ku leedahay Xiddig Weyn shan geesoodle ah oo Cad oo si siman ugu hareersan
Seddax Xiddigood yar yar oo iyagana caddaan ah kagana yaalaan midig, bidax iyo
hoose .
2 ) FASSIRAADA CALANKA:-
b) Midabka Cagaaran wuxuu tilmaamayaa dhul
bereedka & Barwaaqada dhulka Hinterland.
c) Madowga wuxuu qeexayaa in HINTERLAND ay
tahay Dawlad Goboleed Somaaliyed ah oo ku taal Qaaradda Afrika.
d) Midabka Casaanka ama Gaduudka ah wuxuu
tilmaamayaa dhiigga Shacbiweynaha Hinterland looga daadiyey Dagaallada Sokeeye
iyo ballanqaadkooda iney baajiyaan dhiig dambe oo daato si kastaba ha ku
qaadatee.
e) Seddaxda Xiddigood waxay tilmaamayaan
Gobollada Isku raacey iney dhistaan Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland.
Qod. 6aad
(CAASIMADDA)
Magaalada BARAAWE ayaa si ku meel gaar
ah u noqoneysa Caasimadda Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland, iyadoo loo
tixgeliyey Joqraafi ahaan halka ay ku taal iyo sinnaanta masaafadeed ee ay u
jirto Magaalo Madaxyada Gobollada ay ka kooban tahay Hinterland.
Qod 7aad.
(GOLEYAASHA KU
MEEL GAARKA)
Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland waxay
ballanqaadeysa dhisidda Goleyaal loo wada siman yahay oo ay ka qeyb qaadanayaan
Bulshoweynta deggan Gobollada Hinterland dhanka Siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha
Bulshada, Nabadgelyada iyo Maamulkaba oo ku saleysan I TUS OO I TAABSII, kuna
dheehan aqoon xirfadeed iyo xisaabtan dhab ah iyo xiriir adag oo lala sameysto
Bulshoweynta Caalamaka, Deeq bixiyeyaasha iyo NGOyada.
2) DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND waxay
yeelaneysaa:-
b) Madaxweynaha Dawlad Goboleedka;
c) Gole Baarlamaan ah iyo Gole Dhaqanka ah.
d) Garsoorka oo ka koobnaan doono :-
Maxkamadda Racfaanka, Maxkamdda Gobolka iyo Maxkamdda Degmada oo guud ahaan ka
hawlgeli donaan Garsooreyaal, Xeer Ilaaliyeyaal iyo Kaaliyeyaal laga soo doortey
Gobolladooda iyo Degmoyinkooda islamarkaasna buuxiyey Shuruudaha laga doonaayo
iney buuxiyaan Hawlwadennada Garsoorka.
Qod. 8aad
(MADAXWEYNAHA)
Madaxweynaha Isutagga Dawlad Goboleedka
Hinterland wuxuu mathalayaa Astaanta Dawlad Goboleedka, wuxuuna mas’uul ka yahay
xiriirka iskaashiga ee ka dhexeeya Dawlad Goboleedka Hinterland iyo Dawladda
Dhexe ee Ku Meel Gaarka Somaaliyed. Wuxuuna isudubayaa islamarkaasna kormeerayaa
hawlaha Golaha Ku Meel Gaarka Hinterland iyo waxii kale oo sharci ahaan loo
xilsaaro.
Qod. 9aad
(GOLAHA KU MEEL
GAARKA)
Golaha Ku Meel Gaarka Hinterland wuxuu ka
koobnaan doonaa:-
b) Madaxweynaha;
t) Golaha Xoghayeyaasha Dawlad Goboleedka.
Golaha Ku Meek Gaarka ee Isutagga Dawlad
Goboleedka Hinterland wuxuu isagoo tixgelinaaya Axdiga Ku Meel Gaarka Dawlad
Goboleedka fulinayaa ballanqaadyada ay gashey Dawlad goboleedka Hinterland
islamarkaasna kormeerayaa Hawlaha horumarinta Gobollada oo ay wadaan
Guddoomiyeyaasha Gobollada laga soo doortey.
1) Golaha Xoghayeyaasha wuxuu ka koobnaan
donaa Wakiillada Shacbiweynaha Hinterland oo si hufan, muuqata oo si siman loo
soo doortey iyadoo la dhowraayo ka qeybgal siman oo loo dhan yahay kana
tarjumeysa Xirfad iyo xisaabtan dhab ah lagana tegeynin dadka laga tirade badan
yahay.
2) Wuxuu mas’uul ka noqonayaa sii wadista Dib
u Heshisiinta Beelaha Somaaliyed oo laga soo bilaabey Magaalada Eldooret ee
dalka Kenya iyo Nairoobi, taasoo dhalisey Dawladda Dhexe ee Federaaliga Ku Meel
Gaarka Somaaliyed.
3) Wuxuu Iskaashi iyo Xiriir la yeelanayaa
Dawladda Dhexe ee Federaaliga Ku Meel Gaarka Somaaliyed, Guddiyaasha Qaranka ee
Madax Banaan, Dawlad Goboleedyada kale, Bulshoweynta Caalamka isagoo
tixgelinaayo Axdiyada Ku Meel Gaarka Federaaliga Somaliyed iyo kan Hinterland,
Shuruucda dalka, Dhaqanka iyo Caadooyinka Suuban ee Ummadda Somaaliyed.
4) Marka laga reebo Xaaladda deg Degga ah
dhammaan Go’annada Golaha Ku Meel Gaarka waa in loo gudbiyaa Goleyaasha Sharci
dejinta si ay uga doodaan una soo Ansaxiyaan.
5) Dhammaan Xubnaha Golaha Xoghayeyaasha waa
iney da’dooda u dhexeysaa 40-65 Sano, ayna sitaan ugu yaraan Shahaado
Jaamacadeed ama mid u dhiganta, waana iney lahaadaan khibrad iyo Waayo aragnimo
lagu qanci karo ee la xiriirta Maamul ka soo shaqeyn, waxaana ku waajib ah iney
maraan baaris Caafimaad iyo mid Mukhaadaraadba.
6) Muddada Golaha Ku Meel Gaarka waa 4 Sano
laga soo bilaabo maalinta loo dhaariyey Xafiiska, waxayna Xubin kasta ku waayi
kartaa Xilkeeda Istiqaalo, dhimasho ama Xil Gudasho waa joogta ah.
7) Xubnaha Golaha Ku Meel Gaarka waxay
leeyihiin Xasaanad Sharciyeed marka laga reebo haddii lagu qabto dembi oo ay
faraha kula jiraan.
Qod. 10aad.
(GOLAHA SHARCI
DEJINTA)
Wuxuu dejinayaa Shuruucda Isutagga Dawlad
Goboleedka Hinterland, wuxuuna ka kooban yahay laba Gole oo wada shaqeyn Sharci
ah ka dhexeysa, laakin kala madax banaan, waxayna Goleyaasha Sharci dejinta
yihiin: -
b) GOLAHA BAARLAMAANKA DAWLAD GOBOLEEDKA.
c) IYO GOLAHA DHAQANKA.
Gole kasta wuxuu yeelanyaa Xeer Hoosaadkiisa
u gaarka ah si uu u fuliyo Hawlaha Sharciyeed ee ay Ummadda ka sugeyso, si loo
xaqiijiyo in awood qeybsiga iyo ka qeyb qaadashada Maamulka ay u wada sinnadaan
Shacbiweynaha Reer Hinterland lagana soo bilaabo heer ugu hoseeysa ee Bulshada
iyadoo aan cidna laga tageyn.
Qod. 11aad.
(BAARLAMAANKA)
Wuxuu isagoo raacaaya Axdiga Ku Meel Gaarka
Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland qabanayaa hawlaha ku saabsan Sharci
dejinta.
Baarlamaaka wuxuu ka koobnaan donaa 77
Xubnood ama Kuraas oo Shacbiweynaha Hinterland loogu qeybiyo qaab Degmo ah
(District Criteria) iyadoo Xubnaha laga doonaaya iney buuxiyaan shuruudaha Xeer
Hosaadka iyo kan Axdigaba.
a) Xildhibaanka waa iney da’diisa u dhexeysaa
21-65 Sano, lana mariyaa baaris Caafimad mid Jirka ah iyo mid Maskaxdaba, waana
inuu sitaa ugu yaraan Shahaaddo Dugsiga Sare ah , ama mid u dhiganta
b) Saamiga Haweenka wuxuu noqonayaa 9 Xubnood
ama kuraas oo loogu qeybin doono habka heer Degmo (District Criteria).
c) Xildhibaanada oo dhan waa iney u dhaartaan
Xilka ay u qabanayaa dadka soo doortey inta aysan bilaabin Hawsha Baarlamaanka.
d) Dhaarta waxay noqoneysaa sidatan: - “
WAXAAN KU DHAARANAYAA MAGACA ILAAHEEY INAAN DAACAD U NOQDO DALKA SOMAALIYED,
AXDIGA KU MEEL GAARKA FEDERAALIGA SOMALIYED, IYO SHACBIGA REER HINTERLAND,
AXDIGA KU MEEL GAARKA ISUTAGGA DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND, SHURUUCDA DALKA,
DHAQANKA IYO CAADOYINKA SUUBAN EE SHACBIGA HINTERLAND”.
e) Muddada Baarlamaanka uu jiraayo waa 4 Sano
laga soo bilaabo Kalfadhigiisa Kowaad.
f) Xildhibaanada waxay yeelanayaan Xasaanad
Sharciyeed marka laga reebo xaalad lagu helo iyagoo dembi faraha kula jira.
g) Xildhibaanka wuxuu xilkiisa ku waaynayaa:
- Istiqaalad ama Shaqo ka tegid, dhimasho, Xil gudasho waa joogto ah, ka
maqnaansho sabab la’aan Shan Kalfadhi caadi ah, ama isagoo ku dhacey Xukun
Maxkamadeed.
h) Baarlamaanka wuxu yeelanayaa Xeer Hosaad u
gaar ah.
Qod. 12aad.
(GOLAHA
ODEYAASHA)
Wuxuu yeelanayaa Awood Sharciyeed ee ku
saabsan ku Kormeeridda Golaha Baarlamaanka fulinta hawlihiisa Sharci dejineed si
loo waafajiyo Diinta, Dhaqanka iyo Caadoyinka suuban ee Ummadda Hinterland isago
raacaya Axdiga Ku Meel Gaarka Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland.
Golaha Odeyaasha wuxuu Ansaxinayaa Sharciyada
Baarlamaanka soo saaro, ama dib ugu celinayaa isagoo tilmaamaya meelaha dib ugu
noqoshada u baahan si Sharcigaas loo waafajiyo Dhaqanaka, Caadoyinka iyo
Xeerarka Beelaha wada dega Hinterland.
a) Golaha Odeyaasha wuxuu ka koobnaan doonaa
Odey-dhaqameedyada (Dhaqanka), Bulshada Rayidka, Siyaasiyiintii Hore ee dalka,
iyo Indheer garadka Reer Hinterland.
b) Golaha Odeyaasha wuxuu ka koobnaan donaa
35 Xubin ama Kuraas oo lagu qeybiyo qaab Goboleed ka dib markii ay soo doortaan
Beelahooda ansaxiyaana Golaha Ku Meel Gaarka ee Hinterland.
c) Shuruudaha ku xusan Qodobka 11aad
faqradahiisa (c, d, e, f, g, h) way khuseynayaa Golaha Odeyaasha.
Qod. 13aad.
(GARSOORKA)
Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland waxay
yeelaneysaa Nidaam Garsoor Madax Bannaan oo ay Ummadda Reer Hinterland si toos
ah u soo doortaan. Wuxuuna Golaha Garsoorka si Madax bannaan u gudanayaa Hawlaha
ku saabsan Garsoorka oo dhan ka dib markii loo dhaariyo Xilkaas.
a) Xeer Hosaadka Garsoorka ayaa tilmaami
doona qaab dhismeedka iyo kan hawl gudashadaba si waafaqsan Axdiga Ku Meel
Gaarka Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland, Axdiga Ku Meel Gaarka Fedraaliga
Somaaliyed iyo Shuruucda Dalka.
b) Garsoorka wuxuu ka koobnaan doonaa
Garsooreyaal, Xeer Ilaaliyeyaal, iyo Kaaliyeyaal leh Aqoonta iyo Xirfadaha laga
doonaaya Garyaqaanada ka dib markii ay buuxiyaan shuruudahaas ayaa misna si toos
ah ay u soo dooranayaan Degmooyinka iyo Gobollada ay u qabanayaan Hawsha
Garsoorka.
c) Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland
waxay yeelaneysaa Maxkamadda Racfaanka, Maxkamadda Gobolka, iyo Maxkamadda
Degmada lagu maamuli doona Xeer Hoosaadka Garsoorka.
d) Muddada Golaha Garsoorku waa 5 Sano laga
soo bilaabo maalinta loo dhaariyo Xilalka Garsooreyaasha.
Qod. 14aad.
(XASAANADDA
GARSOORKA)
Dhammaan Garsooreyaasha waxay leeyihiin
Xasaanad Sharciyeed muddad ay hayaan Hawsha Garsoorka marka laga reebo xaalad
lagu qabto iyagoo dembi Ciqaabeed faraha kula jira.
Garsoorka laguma fara gelin karo Hawlahiisa
marka uu gudaanyo, waxaana taasii ka reeban Golaha Ku Meel Gaarka ee Hinterland
inuu jideysto.
Qod. 15aad.
(MADAXDA
GOBOLLADA IYO DEGMOYINKA)
1) Magaalo Madaxyada Gobollada sidooda ayey u
jirayaan, waxayna hawshooda ku saabsan Horumarinta Gobolladooda u wadanayaan si
Madax Bannan.
2) Guddomiyeyaasha loo doortey Gobollada ayaa
mas’uul ka ah Maamulka Gobolka iyagoo la kaashanaaya Guddiga Gobolka.
3) Sidaas oo kale Degmoyinka oo dhan sidooda
ayey u jirayaan una shaqeynayaan sidii ay ahayeen Dagaalka Sokeeye ka hor,
waxana maamulkooda mas’uul ka ah Guddomiyaha Degmada dooratey isagoo la
kaashanaaya Guddiga Degmada.
Qod. 16aad.
(XIRIIRKA
GOBOLEED IYO KAN CAALAMIGA)
Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland waxay
si buuxda u ballan qaadeysa iney dhowreyso Dhammaan Heshiisyada Caalamaiga ah ee
ku saabsan XUQUUQDA AADANAHA, waxayna ku dhaqmeysaa Siyaasad Albaabyadeeda u
furan Deriska, Caalamaka, Maalgeliyeyaasha Shisheeye, Deeq Bixiyeyaasha iyo
Hay’adaha Samafalkaba.
a) Waxay ballan qaadeysaa iney dhiira geliso
Maalgelinta Shisheeye iyadoo u damaanad qaadeyso Nabadgelyo, Baaris Kheyraad
lacag la’aan ah, Wada qeybsi Kheyraadka la soo saaro, dhowrista iyo Xanaanada
Bee’adda .
b) Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland
waxay ballan qaadeysa Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Macdanta laga soo saaro
Dhulkeeda loona iib geynaayo dibadda iney la qeybsaneyso Dawladda Federaaliga Ku
Meel Gaarka Somalliyed iyo Shirkadaha soo saara Macdanta , Batroolka, iyo
Kheyraadka kale ulana qeybsan donnto sida soo socoto:-
1) 50% Waxaa yeelanaya Shirkadda soo saartey
Macdanta iyo Kheyraadka la dhoofinaaya.
2) 17% Waxaa yeelanaya Dawladda Dhexe ee
Federaaliga Ku Meel Gaarka Somaaliyed.
3) 26% Waxaa yeelanaya Isutagga Dawlad
Goboleedka Hinterland.
4) 7% Waxaa yeelanaya Shirkadda Heshiiska
iska leh ee Ajnabiga ah.
CANSHUUR QEYBSIGA KA DHEXEYN DOONO ISUTAGGA
DAWLAD GOBOLEEDKA HINTERLAND IYO DAWLADDA DHEXE FEDERAALIGA KU MEEL GAARKA
SOMAALIYED, WUXUU NOQONAYAA SIDATAN: -
1) Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland
waxay ballan qaadeysa iney ka qaado Shacbigeeda Canshuurta ku waajibtey Sharci
ahaan, waxayna isla markaas Canshuurtaas la qeybsan doontaa Dawladda Dhexe si
loo daryeelo Ummadda Somaaliyed oo dhan.
Canshuurtaas waxay noqon doontaa 15% oo loo
qeybin doono sida hoos ku qoran:-
a) 7% Waxaa yeelan doonta Dawladda Dhexe ee
Federaaliga Ku Meel Gaarka Somaaliyed.
b) 8% Waxaa yeelan doonto Isutagga Dawlad
Goboleedka Hinterland.
2) Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland
iyadoo ku dhaqmeyso Siyaasad Furan waxay Xiriir dhaqaale la yeelan doontaa
Bulshoweynta Caalamaka iyo tan Goboleedba iyadoo u fureyso Xuduudaheeda iyo
Albaabyadeeda Dadyowga niyadsamida u doonaaya iney u soo guuraan Somaaliya si ay
u maal gashtaan, waxayna siineysaa Dal Ku Joog Shaqo oo ugu dambeyntii dhalin
kara in la siiyo Jinsiyadda Hinterland haddii ay sidaasii u codsadaan sida uu
qoraayo Axdiga Ku Meel Gaarka Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland.
3) Laga soo bilaabo maalinta lagu dhawaaqo,
loona dabaaldego Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland dhammaan Ajaanibta ku
dhalatey Gobollada Hinterland laga soo bilaabo Isticmaarka ilaa bilowga
Dagaallada Sokeeye waxaa si toos ah loogu aqoonsanayaa iney yihiin Muwadin
Hinterland, waxayna leeyihiin Xuquuqda ay leeyihiin Muwadiniinta Hinterland.
4) Si loo sugo Caalamaka inuu ku soo dabaalo
Nabadgelyo buuxda, waxaa Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland iskeeda u ballan
qaadeysaa iney inta karaankeeda ah ay sugto Nabadgelyada Gobolladeeda, tan
Jiiraanka, tan Caalamkana oo ay ka geysato Iskaashi, kana hortagto fal kasta oo
keeni kara Nabadgelyo darro, Argagaxisonimo ee waxii la xiriiraba.
Qod. 17aad.
(DHISIDDA
BULSHADA RAYIDKA)
Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland waxay
ballan qaadeysaa iney dhisto oo dhidibada u aasto BULSHADA RAYIDKA oo madax
banaan si looga faa’iideysto khibradda Xeeldheerenimada ay leeday, taasoo u
fududeyn karta Goleyaasha Hinterland gudashada waajibaadkooda islamarkaana u
sahli karta dhisidda Maamul ku shaqeeya Dimoqraadiyad hufan, Maamul muuqda oo ku
saleysan Aqoon iyo ka qeybgal guud.
Qod. 18aad
(MARJACYADA KALE
EE SHARCIYEED)
1) Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland
waxay ballan qaadeysa iney si buuxda ugu dhaqmeyso Axdiga Ku Meel Gaarka
Federaaliga Somaliyed, Axdiga Ku Meel Gaarka Isutagga Dawlad Goboleedka
Hinterland, Shuruucda Dalka, Dhaqanka iyo Caadoyinka Suuban ee Dalka.
2) Waxay si buuxda u aqoonsaneysaa uguna
dhaqmeysaa dhamaan Heshiisyada iyo Mucahadooyinka ay Dawladihii Somaliyed la
galeen Caalamka inta ka horeysey Dagaallada Sokeeye, waxayna ka dhiganeysaa
Marjac Sharciyeed haddii ay soo ifbaxdo Dacwad Sharciyeed ee la xiriira
Heshiisyadaas.
3) Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland
waxay si toos ah u ballan qaadeysa iney Difaaceyso Midnimada Somaaliyed iyo tan
Dawlad Goboleedkedaba.
Qod. 19aad.
(DHAQAN GALKA)
Isutagga Dawlad Goboleedka Hinterland waxay
dhaqan geleysaa goorta ay ku dhawaaqaan dhismaheeda iyo jiritaankeeda Wakiillada
Sharciyeed ee Shacbiweynaha Hinterland, ka dibna ay ansaxiyaan Dhaqanka
Gobollada ay ka kooban tahay Dawlad Goboleedka.
Haddii aad dooneysid faah faahin dheeraad ah
fadhlan ku soo dir e-maillada fed13hinterland@yahoo.com ama fedhinterlandstate@yahoo.com.
MAHADSANID
« «
Back to Home Page